Go’aankii Madaxweyne Deni ee ka qayb galka shirka Dhuusamareeb3 oo isbedelay

Go’aankii diidamada ahaa ee Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni  ee ku saabsanaa  shirka Dhuusamareeb3 ayaa isbedel uu ku yimid.

Siciid Deni ayaa la xaqiijiyey in uu aadani doono  magaalada Dhuusamareeb si uu kaga qayb galao shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka, madaxweynaha Puntland ayaa cadaadis kala kulmay xubnaha beesha caalamka, gaar ahaan wakiilka ee QM ee Soomaaliya iyo safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda wafdi horudhac u ah Deni ay gaari doonaan magaalada Dhuusamaareeb, kuwaas oo ka qeyb-galaya shirka.

Wejiga saddexaad Dhuusamareeb oo si rasmi ah u furmay waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynahadawlada Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

shirar ay ku yeesheen Dhuusamareeb madaxdaas ayaa waxaa lagu gorfeeyey caqabadaha hortaagan shirka iyo sida looga gudbi karo, inkastoo illaa iyo hadda aysan isla gaarin wax go’aan ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka ama doorashooyinka soo socda.

Ka Maqnaanshaha shirka Dhuusamareeb 3 ee madaxda maamulada puntland iyo jubland ayaa caqabad ku noqotay hormarka shirka Dhuumareeb in kastoo ilaa hadda aanan la ogeyn mowqifka madaxweynaha jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee ka qayb galka shirkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com