Dawlada Federaalka oo shaqadii ka joojisay kuna Amartay in uu dalka ka baxo Agaasimihii hay,adda Care ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa     shaqada ka joojissy islamarkaana amartay inuu dalka isaga baxo Agaasimihii hay’adda CARE  ee dalka Iman Abdullahi, sida ku daabacay warqad lasoo saaray 18-kii bishan August.

Warqadda oo uu soo saaray wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa madaxa Hay,adda CARE  ee Soomaliya ku eedeysay inuu iska indho tiray siyaasadda iyo xeerarka dowladda, sidoo kalena uu faro-geliyey arrimaha siyaasadda dalka.

Waxay sidoo kale ku eedeeysay inuu “xiisado aan loo baahneyn” ka dhex abuuray dowladda fedearaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

“Waxaa intaas dheer intii aad ahayd agaasimaha CARE waxaad sameysay olole aad ku wiiqeyso horumarka qeybta waxbarashada adiga oo qas ka dhex abuuraya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigaggeeda, oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha iyo saaxibadeeda waxbarashada. Waxaad isku dayday inaad waxyeeleyso xiriirka ay dowladda la leedahay deeq bixiyayaasha iyo saaxiibadeeda,” ayuu yiri  wasiir Goodax.

Wasiir cabdulaahi Goodax Barre ayaa intaas ku daray in agaasimaha CARE Soomaliya lagu wargeliyey eedeeymah ayada oo loo marinayo qoraal iyo kulan toos ah.

Hay’adda CARE USA ayaa sheegtay inay heshay warqadda kasoo baxday dowladda Soomaaliya, ayna ka shaqeyneyso sidii ay xal ula gaari lahayd Eedaha madaxii hady,addasi uga timid dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com