Maqaayad kaliya uu sheekeyn kara qofkii dadka kale shaaha ka bixiya.

Xiingalool, Maqaayad ku taala deegaanka Xiingalool ee Gobolka sanaag ayaa laga dhaqan galiyay sharci ku cusub gudaha wadanka Soomaaliya.

Sharcigaan ayaa dhigaya in sheekadiisa la dhegeysanayo kaliya qofkii dadka kale ee maqaayada kula sugan shaaha ka bixiya.

Arintaan oo ah mid cajiib ah ayaa waxaa hindisay qaar ka mid ah dadka macaamilka ka ah maqaayadaasi.

Mid ka mid ah dadka hindisay sharcigaas oo lagu magacaabo Caaqil saciid Abdi wabah oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in sharcigaas uu yahay mid lagu doonayo in wada sheekeysiga dadka isugu imaanaya maqaayada noqdo mid xiisa leh.

Arintaan ayaa ah mid aad u soo jiidatay dhagaha bulshada Soomaaliyeed taasi oo noqanaysa sharcigii ugu horeeyay ee laga dhaqan galiya maqaayadaha shaaha lagu cabo ee ku yaala gudaha wadanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com