Soomaaliya oo hogaaminaysa Wadamada ugu musuq maasuqa badan dunida.

Muqdisho,Soomaaliya ayaa wali kaalinta hore uga jirta Wadamada ugu musuq maasuqa badan dunida.

Warbixin ay soo saartay hay,adda  Transparency International ayaa lagu xusay kaalimaha dhanka musuq maasuqa uga jiraan 180-wadan.

Hay,adda ayaa xustay in wadanka Soomaaliya uu hogaaminayo wadamada ugu musuq maasuqa badan aduunka.

Hay,adda ayaa tilmaamtay in waxyaabaha musuqa ka qeyb qaatay inay yihiin dagaallada dalka ka taagan, “Laaluush iyo musuq maasuq baahay oo dhanka siyaasadda ah”.

Waxaa ay hay,adda ugu baaqday madaxda sare ee dowlada in ay sameeyaan talaabo muuqata oo looga hortagi karo musuq maasuqa ragaadiyay wadanka Soomaaliya.

Warka Hay,addan ayaa imaanaya xili Xukuumada uu hogaamiyo Ra,isul Wasaare kheyre mar walba ku cel celiso in ay la dagaalameen musuq maasuqa isla markaana iminka sare u kacay dhaqaalaha wadanka ka soo xerooda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com