Somaliland oo si kulul uga hadashay Hadalkii Abdirahmaan Guulwade.

Hargeysa,Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay hadalkii ka soo yeeray Abdirahman guulwade ee ahaa in dowladii kacaanka ku saxsaneed weerarki ay u geysatay deegaanada Waqooyi galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa hadalkaas cambaareyn xoogan u jeediyay.

Koore ayaa uga tacsiyadeeyay shacbiga reer Somaliland dhibka ka soo gaaray duqeymihii dowladii kacaanka u geysatay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Farmaajo markii ugu daacad ka aheyn wada hadalada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland markii uu xilkaas u magacaabay Abdirahman Guulwade.

Hadalka Abdirahman Guulwade ayaa sababi kara in dib u dhac xoogan ku yimaado wada hadalada bilowga ah ee u socanaya dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka la baxay Somaliland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com