Madaxweyne Dani oo si weyn loogu soo dhaweeyay Nairobi (Sawiro).

Nairobi, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Dani ayaa Maanta si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb qaatay Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya.

Madaxweyne Dani iyo wagdigiisa ayaa lagu galbiyay Baabuurta martida iyada oo amaankiisa si weyn u sugayeen Ciidamo Boolis ah.

Wafdiga Madaxweynaha mudada ay ku sugan yihiin kenya ayaa la filayaa in wada hadalo la yeeshaan wakiilada Beesha Caalamka ee ku Sugan Nairobi.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com