Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo Amniga looga hadlayo ka wada Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay  safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Kulamo ka wada Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Qoor Qoor iyo wafdigiisa ayaa socdaal kusoo maray Degaanada Godinlabe iyo Mareergur oo ka Tirsan gobolka Galgaduud , halkaas oo uu  kula kulmay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanadaas.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kulamo kuwas la mid ah la qaadanaya bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb oo uu kala hdlayo sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen Xoojinta Taageerada ay u hayaan Maamulka Galmudug iyo ka shaqeynta Amniga  Hase ahatee, kulamada Qoor Qoor uu ka bilaabay Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya Xilli dhiilo Colaadeed ay ka Taagan yihiin degaano ka Tirsan gobolka Galgaduud kuwaas oo u dhexeya Beelaha Halkaasin wqada dega.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com