Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayey Howlgal qorsheysan

AMISOM ayaa sheegay iney dileen 189 katirsan Al shabaab kadib markii ay ku qaadeen weerar lama filaan ah iyagoo ku shiraya xaafada Siigaale oo 100 KM kaga beegan Koofur Bari caasimadda Muqdisho.

Militeriga Uganda ayaa sheegay iney ku shirayeen meel howd ah, islamarkana ay burburiyeen gawaari Militery oo kooxda ay leedahay iyagoo intaa ku daray in howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen gobalka Shabeelaha Hoose, waxeyna soo xireen Laba taliye oo Al shabaab katirsan kuwaa oo lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Col. Deo Akiiki ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wax khasaaro ah aysan gaarsiinin dad shacab ah balse ay dileen askar iyo xubno sar sare oo Shabaab katirsan kadib markii ay ku weerareen hubka u dhaca daran doorig.

Sidoo kale wuxuu afayeenka xusay in iyaga wax khasaaro ah aysan soo gaarin, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay Brig. Don Nabasa oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee ciidmada Uganda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com