Xaflad lagu soo dhoweeynayay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xaflad Ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha ,iyo Waxgaradka Beesha Galmaax yoonis laguna soo dhaweeynayay  Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Sidoo kalena lagu Taageerayay  Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Xaflada ayaa Waxaa ka qayb galay Mas,uuliyiin ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya , Siyaasiyiin Xildhibaano  iyo Nabadoono

Ugu Horreyn Waxaa Munaasabada Daahfuray oo sababta loo qabtay xafdladaasi ka warbixiyay  Mudane Maxamed Daahir oo ah Aqoon yahan kana mid ah Nabadoonada Beesha Galmaax yoonis Waxaana uu sheegay in Xafladaasi ay ahayd mid lagu soo dhaweeynayay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim looguna mahadcelinayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisa ee garatay in Beesha  Galmaax Yoonis ay ka dhex muuqato Xukuumadda Rooble

Sidoo kale Waxaa Xafladaasi ka hadlay Xubno Farabadan oo isugu jira siyaasiyiin , xildhibaano Waxgarad iyo Nabadoono kuwaas oo dhamaantood u mahadceliayay Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Maxamed Xaaji Ibrhaahim ayaa uga mahadceliyay Beesha Galmaax Yoonis Nabadoonadooda Wax garadkooda iyo Siyaasiyiintooda soo dhaweeynta ay u sameeyeen waxaana uu Balan qaaday Wasiiru Dawlaha in Hal Maalin xitta Haddii uuka harao waqtiga Dawlada ay u Adeegi doonaan bulshada Soomaaliyeed ee ee jecel Dawladnimada

Ugu Dambeyntii Waxaa hadalka qaatay Malaaq Cali Malaaq Maxamed oo ah Malaaqa Mududlood ahna Malaaqa Beesha Galmaax yoonis oom u mahadceliyay Madaxda Dawlada Federalka Soomaaliya gaar,ahan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo soo xusuustay Beesha Galmaax yoonis in ay ka soo dhex muuqato Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Rooble balse waxaa uu sheegay in Beesha Galmaax yoonis weli Xuquq badan ay uga maqan tahay dhina dawlada Federaalka Soomaaliya .

Sidoo kale Malaaq Cali Malaaq Maxamed ayaa ka hadlay Marxalada siyasadeed ee uu dalka uu ku jiro isaga oo ka digay Iyadoo Xil la raadinayo in Colaad la huriyo waxaa uu sheegay in Dadkaan Colaad ay ka soo daaleen Haddana aysan u baahneeyn colaad kale .

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com