Puntland oo ka digtay Dabaylo Duufaano wata oo ku soo wajahandegaano ka Tirsan Maamulkaasi

Maamulka Puntland ayaa ka digay duufaan cusub oo loogu magac daray “Burevi”, taasoo suurtagal ah in ay kusoo beegan bad-Waynta Hinidiya Islamarkaaana isku badali karto roobab xooggan oo kusoo wajahan xeebaha puntland.
Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladu Puntland oo digniintaan soo saartay ayaa kaluumaysatada iyo dadka ku nool deegaanada xeebaha ku wargalisay inay sameeyaan feejignaan iyo diyaargarow asbuuca soo socda.
Dhawaan ayay ahayd narkii Xeebta Xaafun Roobab wata dabaylo ay ku dhufteen Taasi oo sababtay in Dad badan ay ka barakacaan Duufaanta Dabaylaha Wata.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com