Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre: Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe uma qalmo in uu noqdo Madaxweyne.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in madaxweynaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe uusan  qalmin in uu noqdo hoggaamiye bulsho.
Guudlaawe ayuu sheegay in uu yahay shaqsi sida uu hadalka u dhigay Qabyaaladu ku wayn tahay, inta badanna waqtiggiisa ku soo qaatay Miyiga oo aan wax aqoon ah u laheyn nidaamka dowladnimada.
”Anniga ma xamanayo si fiican ayaan u aqaannaa, hortiisana marar badan waan ka sheegay Cali Guudllaawe ma’aha shaqsi bulsho hoggaamin kara, waa shaqsi ay ku weyn tahay caadifadda qabiilka, waxa taa keenayana wax kale ma’aha oo waa Nin reer Miyi ah oo inta badan waqtiggiisa ku soo qaatay dhulka baadiyaha ah” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Maxamed Cacdulaahi Farmaajo ayuu ku Eedeeyay in muddadii inta uu Xilka Madaxweynenimo uu haayay uu si gaar ah u beegsanayay hal qabiil oo degga gobolka Hiiraan oo ay ka shaqeeyeen ayuu yiri in laga horkeeno beelaha kale ee la dagga si awoodda iyo xukunka looga boobo.

”Qabaa’ilada in la handado oo beelaha leyska horkeenno dowladdan ayaa ku caanbaxday, waxaa wax lala yaabo ah in shaqsiyaad Federaalka ka socda iyo kuwa kale oo xildhibaanno sheegayana iyaga oo aan wax Ajande ah laheyn loo dirro magaalada Beledweyne oo loogu sheekeeyo dadkaas cabanaya soo handada ama lacag u adeegsada oo meesha halaga kala dirro’ waxaasi wax soconaya ma’aha caqligana ma keennayo, waa in la dhageystaan waxa ay bulshadu tabanayaan, oo marka hore laga fikiraa in meesha lala taggo ajande soconaya oo meel mar noqon kara” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in iyadoo uu khilaaf jiro dhinaca kale Cali Guudlaawe ku fakaro in uu munaasabadiisa caleemo saarka ku qabsado magaalada Beledweyne, isaga oo arintaan ku tilmaamay in ay ka mid tahay sida uu hadalka u dhigay aqoondarrada ka heysata dowladnimada” Qof inta xaqaagii boobay haddana ku leh madax-shub ayaan gurigaaga ku qabsanayaa maan -gaabnimada ayeey ka mid tahay”

Xildhibaan Goodax ayaa dhinaca kale ku eedeeyay Ugaas Xassan in uu gabbay doorkiisii looga baahnaa ee Ugaasnimo, isaga oo sheegay in uu gacanta ku gallay Villa Soomaaliya oo markii danbe-na meel cidlo ah uga tagtay” Waa kaa Ugaaskiina iska aamusay oo xitaa hadda Beledweyne taggi karin, waxaan maqlayay in uu Hargeyso ku sii jeeddo, laakiin micnuhu ma’aha in qabiilkii uu Ugaaska u ahaa iyaguna iska fariisteen –maya ma fariisanayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Goodax.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ayuu ka dalbaday in aysan ku dhax milmin arrimahan siyaasadeed ee ka taaggan gobolka guud ahaan gaar ahaan magaalada Beledweyne iyaga oo gacan siinaya rag sheegayana siyaasiyiin oo raba in ay caburiyaan sida uu hadalka u dhigay bulshada ku dhaqan gobolka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com