Cali Guudlaawe oo laga hor istaagay Socdaal uu ku Tagilahaa Magaaada Baladweyne Maleeshiyada Janaraal Xuud oo dagaal ku qaaday Ciidanka Hirshabeele

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya saakay Halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeyay ciidamada dowlada iyo Maleeshiyada uu Hogaamiyo Janaraal Xuud oo ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.kaas uu mucaarad ku ah Maamulka Cusub ee Hirshabeele

Dagaal ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyada Janaraal Xuud weerar ay ku qaadeen Fariisin Ciidan ee ku yaala duleedka magaalada Baladweyne Waxaana ay la wareegeen Maleeshiyadaasi qeybo muhiim ah oo ku yaala xaafadaha Xaawataako iyo Kooshin gaar ahaan afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo Buundada Nuur Xawaad oo ah Halka a ugu muhiimsan ee laga galo Baledweyne.
Inta la ogyahay labo qof oo uu midkood uu yahay shacab ayaa ku dhaawacmay dagaalka saaka ka dhacay Baledweyne

Dagaalka kadib waxaa magaalada Baledweyne ka dhacay dibad baxyo Xooggan oo gil gilay guud ahaan magaalada Baledweyne kaasoo aay dhigayeen ah kuwaas oo diidan Maamulka Cusub ee Hirshabeele
Xaalada ayaa Haatan Degan, hase ahaatee Maleeshiyada Jeneraal Xuud iyo shacabka dibad baxa ka dhigay Magaalada Baladweyne ayaa ka soo horjeeday in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu Gaaro Magaalada Baladweyne
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com