Xildhibaanadii Xasaanada laga Xayuubiyay Puntland Sidee u Arkaan Xasaanada laga qaaday?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed oo ka Tirsan 8 dii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland uu xasaanadda ka qaaday, laanta Afka Soomaalida BBC-da waraysi uuu siiyay kaga hadlay sida uu u arko Xasaanad ka qaadista lagu sameeyay

Wuxuu sheegay Xildhibaanku inay hada Iyaguna Lugaha ku Qaadan doonaan Sharciga, Maadama Sharci darro loo adeegsadayb Xasaanad ka qaadistooda,  Wuxuuna xusay in Xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka ay Mooshin ka keenay Gudoonka Baarlamaanka puntland,  markaasi kadib uu Gudoonka Baarlamaanku  Bilaabay Qorshe uu isku difaacayo.

 “Afar Arimood ayuu xildhibaanku ku waayi karaa Xilkiisa, oo kala ah “1- inaanu laba Kalfadhi ka qayb gelin, 2 inuu geeriyoodo, 3- Inuu is casilo, 4 Fal-dambiyeed uu Gacanta kula jiro”.

Faldambiyeed anagu kumaanu jirin, Shir jaraa’id baanu qabanay,  Intaas haddii ay Faldambiyeed tahay Dadkuba waa dambiilayaal, Wax ka jira ma jiraan Eedaymaha naloo Jeediyey.” Ayuu yiri Xildhibaankaasi.

Xilka Qaadistu waxay salka ku haysaa Doorashada Heer Federaal, gaar ahaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Waxaana jira dad la Qoranayo, Waxay sidoo kale oo la xidhiidhaa Arinta shirkadda DP World .” Ayuu raaciyey hadaliisa Xildhibaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com