Heshiis la kala dhex-dhigay laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay

Waxaa Magaalada Qardho ee Gobolka Bari lagu qabtay shir lagu gaba-gabaynayay shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeyay labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo shaqaaqo ay ku dhex-martay miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Odayaasha Dhaqanka labada Beelood, Culuma’udiin, Waxgarad iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana laga soo saaray go’aano ku saabsan in markale aysan labada dhinac dagaalamin.

Shirka ayaa waxaa lagy go’aamiyay xukunka magta ama diyada dadkii dagaalka labada beelood ku geeriyooday, in laga hortago waxkasta oo dib u soo celin kara dagaalka & in siwadajir ah looga wada Shaqeeyo nabadda.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka labada Beelood oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxaana ay balan qaadeen inay dhaqan gelin doonaan qodobada lagu heshiiyay.

Muddo todobo bilood ah ayay socdeen shirar la xiriira sidii loo soo afjari lahaa colaada soo laab laabatay ee kajirtay degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, taas oo u dhaxeeysay laba maleeshiyo Beeleed.

 

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com