Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe Daawo. Sawirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha  Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Socdaalka Madaxweynaha Jubaland ee Garoowe, ayaa la xiriira Shirka Wada-tashi oo ay Puntland iyo Jubaland ka yeelan doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com