Fahad Yaasiin oo weji gabax kala kulmay Xasan Sheekh Maxamuud

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa kulan dhawr saacadood qaatay waxa uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya.

Kulanka oo uu soo codsaday Taliyaha Hay’adda NISA ayaa ka dhacay hoyga Xasan Sheekh Maxamuud uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho Xasan Sheekh ayaana Taliyaha ku marti-qaaday hoygiisa.

Kulanka oo gelinkii dambe ee maanta bilowday ayaa caweysnimadii caawa natiijo la’aan ku soo idlaaday, ka dib markii Taliyaha NISA aanu Xasan Sheekh kala kulmin wixii uu ugu tagay.

Ka hor inta aanu kulanka fashil ku soo dhammaan ayaa waxay labada dhinac ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo ay ugu muhiimsan tahay midda doorashooyinka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulanka ku soo hadalqaaday magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha xigga, iyadoo laga talo-geliyay Xasan Sheekh Maxamuud, mana cadda ujeedada looga talageliyay, balse waxaa horey u soo baxayay warar sheegaya in Villa Somalia ay Madasha Xisbiyada Qaran u soo bandhigtay in Ra’iisal Wasaaraha uu dhankooda ka yimaado. Ujeedada tani laga leeyahay-na waa inay hirgasho muddo kororsi intee le’egtahayba ha noqotee, oo ay ku taameyso Villa Somalia.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu ku cudurdaartay inaanu go’aanku keligii gaari karin, inkastoo uu isagu yahay Gudoomiyaha Xisbiga UPD, kana mid ah Xisbiyada Qaran ee ku midoobay Madasha Xisbiyada Qaran.

Ma cadda waxa Fahad Yaasiin uu u xushay inuu si gaar ahi uu ula kulmo Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo aanu kulanka qayb ka ahayn Gudoomiyaha Madasha Xisbada Qaran, Shariif Sheekh Axmed, loona arko inuu yahay mucaaradka ugu weyn ee dowladdu leedahay.

Dadka siyaasadda odorasa waxay tani ku sheegeen mid lagu fasiran karo, iyadoo uu Fahad Yaasiin kaga dan lahaa inuu ku kala qaybiyo Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran, si hadhow loogu arko kuwo aanba ku mideysnayn siyaasadda ay ku mucaaradsan yihiin dowladda.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa marar badan ka digtay inay muddo kororsi sameyso Villa Somalia, sababo ku aadan Villa Somalia oo ay ku dhaliileen inay ka gaabisay u diyaargarowga arrimaha doorashooyinka ee dalka, laguna qabto doorashooyinka waqtigii loogu madlanaa. Beesha Caalamka oo labadii bilood ee la soo dhaafay soo fara-gelisay siyaasadda dalka ayaa Villa Somalia ku cadaadisay inay dalka ka qabato doorasho ku dhacda waqtigeeda.

Weli waxaad mooddaa inay Villa Somalia ku hamineyso muddo kororsi, dad badanina waxay aaminsan yihiin inaanay Doorashada Xafiiska Madaxtooyada qabsoomi doonin 8-da bisha February ee sanadka soo socda, marka aad eegto inaanu diyargarow badani jirin iyo sida uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo daahay soo magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudada uu dastuurka u ogolyahay inuu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha waxay ku buuxdaa maalinta berrito, oo taariikhdu ku beetan tahay 25-ka bishan August, oo ku aadan hal bil ka dib maalintii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonida kala laabteen Ra’iisal Wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Si kastaba ha-ahaatee Fahad Yaasiin ayaa caawa isaga tagay hoyga Xasan Sheekh Maxamuud, xilli aanu sidii uu moodaayay kala kulmin saaxiibkiisii hore, balse ay arrimaha siyaasadda ee dalka ku kala irdhoobeen sanadkii 2015.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com