Qarax ka dhacay degmada Walanweyn & khasaaro dhaliyaya dhimasho iyo dhaawac

 

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa hoose ee Dagmada Wanlaweyn, waxaana goobjoogayaal ay Risaala u sheegeen in qaraxaas ay ku dhinteen laba Ruux oo Shacab ah qof kalena uu ku dhaawacmay.

Weli macadda cidda lala damacsanaa qaraxaasi, waxaana xilliga uu dhacayay qaraxa Suuqa uu ahaa mid mashquul badan oo ay ka socdeen howlo Ganacsi,isla markaana dadka ku nool degmada Walanweyn ay u dukaameysi tageen.

Xafiiska wararka jowhar