Raisul wasaare kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan beled-xaawo.

Muqdisho, Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Ali Kheyre iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa maalmaha  Soo aadan ku wajahan degmada beled-xaawo ee gobolka Geddo.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’isulwasaare Kheyre, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Gaashaandhiga ay maalmaha soo socdo imaanayaan Gobolka Gedo.

Cusmaan ayaa intaas ku daray in Wafdiga Raisul Wasaaraha mudada ay ku sugan yihiin Gobolka la kulmi doonaan Maamulka,Saraakiisha Ciidamada iyo waliba qurbaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Kheyre iyo wafdigiisa ayaa imaanaya xili xiisad mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagneed degmada balad-Xaawo kaasi oo u dhaxeeya Ciidamo dowlada halkaas geysay iyo ciidamo daacad u ah Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com