Kenya oo u diiday Dawlada Cuba in lacag ay ku soo furato dhaqaatiir laga Afduubay

Madaxda Dowladda Kenya ayaa diidday soo jeedin ka timid Dowladda Cuba oo la xiriirta in Madax furasho laga bixiyo labada dhaqtar ee u dhashay Dalka Cuba kuna afduuban Soomaaliya.

Madaxweynaha Waddanka Cuba Miguel Díaz-Canel, ayaa  u xil saaray in dowladda Kenya uu kala xaajoodo suurtagalnimada in Dhaqaatiirta Madax furasho laga dhiibo ku xigeenkiisa  Inés María Chapman Waugh.

Warar hoose ayaa sheegaya in Dowladda Cuba ay go’aansatay in Dhaqaatiirta ay ka bixiso $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo la siinayo dadka heysta Dhaqaatiirta.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan kun jirin bixinta lacagaha Madax furashada ee la siiyo dadka wax afduubta.

Dowladda Cuba ayaa dhaqaatiirtaas u dirtay Kenya sanadkii 2018kii kaddib markii Dhaqaatiirta Kenya ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen Dowladda Kenyana dibadda kala timid dhaqaatiir Ajanabi ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.