Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo Dawlada Federaalka iyo Cali Guudlaawe ku Eedeeyay Colaada ka Taagan Baladweyne

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdi raxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay xiisadaha colaadeed ee ka taaggan magaalada Beledweyne.

Cabdi raxmaan Cabdi shakuur arsame ayaa Tilmaamay in xiisada iyo khilaafka ka taaggan magaalada Beledweyne uu ku Eedeeyay Dowladda Federaalka oo dhagaha ka fureysatay rabitaankii bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo dalbanayay in dhismaha Hirshabeelle laga hormariyo dib-u-heshisiin.

Tallaabadaan ayuu sheegay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya  uga dan -leedahay in ay ku musuqmaasuqdo sida uu hadalka u dhiggay doorashada guud ee la filayo in ay ka dhacdo dalka Dalka .

Warkaan ka soo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa ku soo aadaya ka dig dagaal iyo Banaan bax rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Baladweynelle kaasi oo looga soo horjeedo Maamulka Cusub ee Hirshabeelle ee uu Higaamiyo Cali Guudlaawe Kaas oo Mucaarado Xooggan kala Kulmaya shacabka Reer Hiiraan kuwaas oo diidan in Cali Guudlaawe uu Madaxweyne ka noqdo Hirshabe

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com