Madaxweyne Gudlaawe oo saacadaha soo socda ku dhawaaqaya xubnaha aqalka sare.

Muqdisho:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ali Gudlawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku dhawaaqo xubnaha u sharaxan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha ku guda jiro la tashiyo ku aadan qaabka ugu haboon ee magacaabida iyo waliba qabashada doorashada labada aqal.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaaliya kuwaas oo faray in si hufan uga shaqeeyaan sugida amaanka mudada doorashada socoto.

Omar Soomane oo ka mid ah xildhibanada Hirshabelle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saacadaha soo socda soo bixi doonaan xubnaha ka mid noqon doona aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Jowhar gaareen xubno ka mid ah musharaxiinta aqalka sare ee uu ka mid ahaa Xaaji Muuse Suudi iyo waliba Abdullaahi Sheekh kuwaas oo ku tar tami doona kursiga aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com