Ra,isul wasaare Rooble oo digniin u diray Mahdi guuleed iyo Abdi Xaashi.

Muqdisho:-Ra,isul wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa digniin u diray Mahdi Guuleed iyo Abdi xaashi Abdullaahi.

Rooble ayaa sheegay in looga baahan yahay labadaas mas,uul si si dhaqsi ah ku xaliyaan khilaafaadka dhexdooda ah si loo guda galo doorashada xubnaha aqalka sare ku matali doona Somaliland.

Ma dhici doonto kala eexasho aanu u sameyno labada dhinac balse waxaa looga baahan yahay in dhexdooda xaliyaan khilaafka si hore ugu socoto doorashada ayuu yiri Rooble.

Ra,isul wasaare rooble ayaa dhanka kale cadeeyay in xukuumadiisa dadaal walba ku bixin doonto sidii wadanka doorasho lagu qanco uga qaban lahaayeen.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili wali xal laga gaari la,yahay khilaafka doorashada kuraasta aqalka sare ee somaliland kaasi oo ka dhex jira Gudoomiyaha aqalka sare Abdi xaashi iyo waliba Ra,isul wasaare ku xigeen Mahdi Guuled.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com.