Askar itoobiyaan baxsad ahaa oo u gacan galay Al-shabaab.

Waajid,Askar ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobolka bakool ayaa la sheegay in iyaga oo baxsad ah gacanta u galeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Askartaan oo tiro ahaan gaareysay laba askari ayaa ka mid ahaa ciidamada Ethiopia ee ku sugan garoonka degmada Waajid ee Gobolka bakool.

Wararka ayaa tilmaamaya in askartaas baxsad u ahaayeen dhanka Ethiopia isla markaana wadada u galeen dagaalyahano Alshabaab ka tirsan.

Labada askari ayay alshabaab galabta ku toogteen duleedka degmada Waajid halkaas oo ay goob joog ka ahaayeen dagaalyahano Alshabaab iyo dadweyne ka soo qeyb galay toogashada.

War ka soo baxay Alshabaab ayay ku sheegeen in labada askari ka qaateen qoryaha Sham shuutarka ah iyo waliba AK47.

Alshabaab ayaa ku macneeyay sababaha labadan askari baxsadka u ahaayeen ay tahay kadib markii ay u adkeysan waayeen go,doonka ay galiyeen ciidamada ku sugan garoonka degmada Waajid ee gobolka Bakool sida hadalka u dhigeen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho,

Info@aragticusub.com