Jubbaland oo sheegtay in iska difaaci doonaan weerar kaga yimaada Dowlada Federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda Federalka Somaliya dagaal ay ku soo qaaday deeganada Jubbaland, sidaasina waxaa lagu sheegay maanta Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa sheegay inay iska caabinayaan duulaan ay sheegeen dowladda Somaliya inay ku soo qaaday deeganada Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Sheekh Xuseen Maxamed ayaa Saxaafadda u sheegay in la amray Ciidamada kala duwan ee Jubbaland heegan buuxa inay galaan.

Wuxuu sheegay wixii cawaaqib xuma ah ee ka dhalata weerarka dowladda Somaliya ay ku soo qaaday deeganada Jubbaland masuuliyadeeda inay qaadeyso dowladda Somaliya.

Xubnaha Beesha Caalamka ayuu sheegay inay ku wargelinayaan xaaladdaha ka taagan deeganada Jubbaland & dagaalka dowladda ay ku qaaday.

Dowladda Somaliya ayaa ciidamo gaysay Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo isdiidan.

 

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com