Ciidanka Dawlada oo Hawlgal ku dilay Sarkaal ka Tirsanaa Alshabaab

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay degaano hoos yimaadda degmada Baardheere ee gobolka Gedo, Hawlgalka ayaa lagu bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degaanadaasi Waxaana  sidaasi  sheegay  sarakiil ka Tirsan  ciidanka Dawlada .

Sidoo kale Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Xubin ka tirsan Saraakiisha Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka, waxaa lagu soo waramayaa   in Sarkaalkaas Meydkiisa la soo bandhigay.

Saraakiisha ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka ee Aagaasi  ayaa sheegay in howlgaladii la sameeyay ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Dhawaan ayaa Alshabaab  weerar ka geysteen Saldhig ay Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Tuulooyin hoostega Degmada  Baardheere eeGobolka Gedo  dagaalkaas oo sababay khasaare kala duwan oo soo garay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com