Itoobiya oo u Digtay Dalka ay Jaarka yihiin ee Suudaan

Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dirtay dhigeeda Sudan ayaa sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.

Waxaa guuldareystay dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal

Dhinaca Sudan waxay u muuqdaan inay doonayaan inay xaaladda sii huriyaan,”ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo saxaafadda kula hadlay Addisababa.

Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ay dagaal geli doonta ayaa waxaa uu sheegay in marka hore ay wanaagsan tahay in diblomasiyadda ay shaqeyso. Wuxuu intaa ku daray in waxwalba ay dhamaad leeyihiin, isagoona ula jeeday in xallinta arrintan ee dhanka diblomaasiyadda ay tahay wax mudeysan.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan waxwalba oo uga yimaadda dhanka Itoobiya.

“Waxaanu ka cabsi qabnaa in hadalada kasoo yeeraya Itoobiya ay yihiin kuwa xanaf leh oo damqaya Sudan, waxaan Itoobiya weydiisaneyna inay joojiyaan weerarka ka dhanka ah madaxbanaanida dhuleed ee Sudan iyo beeraleyda Sudan,” ayuu wasiirka warfaafinta ee Sudan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sudan ayaa dhammaadka sanadkii tegay sheegtay inay la wareegtay dhul ay leedahay halka Itoobiyana ay Sudan ku eedeysay inay ka faaideysteen ciidamada Itoobiya ee ku mashquulsan dagaalka Tigray, ayna qabsadeen dhul ay Itoobiya leedahay.

Qaramada midoobay warbixin ay dhawaan soo saartay mar ay ka hadleysay xaaladda bani’aadanimo ee Tigray ayaa waxay sheegtay inay jiraan warar sheegaya in labada dal ay ciidamo soo dhoobeen xadka. Xiisadda xadka ayaa timid xilli dalalka Sudan, Itoobiya iyo Masar ay isku dayayaan in xal laga gaaro ismarin waaga ka taagan biyo xireenka wabiga Nile.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com