Dr Baadiyoow oo ka hadlay wadahadalada Soomaaliland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gudiga Wadahadalka  iyo Dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland uu Madaxwayne Farmaajo u magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa Xog Cusub ka sheegay Wahadalka Labada dhinac iyo Muhiimada uu Bulshada Soomaaliyeed u leeyahay.

Dr. Baadiow oo Arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “ Waxaa la yaab leh dadka kasoo horjeeda in DFS iyo Somaliland wada hadlaan. Somaliland 30 sano ictiraaf waa keeni weysay,  DF Soomaaliya waa kici la’dahay 20 sano, laga soo bilaabo 2000.

Wada-hadallada wixii kasoo baxa aan sugno, kheyrna urajeeno. Madaxda 2da dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka. Waxaa na horyaalla waa qadiyad umadeed, waana maslaxadda ruux kasta.

Si weyn ha ufikireen kuwa raba iney shaqsiyeeyaan qadiyadda, Wada-hadal ayaa soo socda sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi, oo diyaar ay u tahay DFS. Yaan tareenku kaa tegin ee la qabso!. “ Ayuu yiri Baadiyow.

Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu dib u dhacay  Qorshe la doonayey in Madaxwayne Farmaajo uu ku tago magaalada Hargeisa, Kadib Wadahadal kooban oo Madaxwaynaha Somaliland Muuse biixi uu kula yeeshayMagaalada Adis Ababa dalka Itoobiya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com