Nabadoon xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho


Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in koox Dabley ah  ay xalay degmadaasi ku dileen  Nabadoon caan ka ahaa  degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa  ka dhacay Xaafadda Juungal waxaana Marxuumka  la dilay lagu Magacaabi jiray Xaaji Shaahid Kheyrdoon.

Ciimadamo boolis ah ayaa Hawlgal ka sameeyay Xaafada Dilka uu ka dhacay in kastoo kooxihii dilka geystay ka carareen goobta Marxuumka ay ku dileen

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com