Sarkaal ka Tirsan Maamulka Puntland oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

Sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda maamulka Puntland ayaa  xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka waxaa geystay sida la sheegay koox  hubaysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas ka baxsaday goobta dilku ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray.

Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas.

Amniga degaanada puntland ayaa waqtiyadii dambe ahaa mid aan aan wanaagsaneyn iyadoo Hawlgalo ay sameyanayeen ciidamada Amniga puntland oo Nabad gelyada lagu sugayay

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com