Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Guddi u saaray dhacdadii Gololeey

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa cambaareeyay falkii foosha xumaa dil wadareedkii arxan darada ahaa ee shalay deegaanka gololeey loogu geeystay dhalinyaradii howlaneyd u adeegida bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan ehelka qaraabada iyo qoska ay ka baxeen dhalinyaradaas uga tacsiyadeeyay geerida ku timid wiilasha xaqdarro loo dilay waxa uuna allah uga baryay jannatul fardowsa.

“Falkaan foosha xun waxaaa dhaqan ahaan lagu yaqaan kooxaha argagixisada ah, laakin hirshabeelle saan ugama harid oonto oo baaritaan ayay ku sameyn doonaan ayuu yiri”Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa u saaray dhacadadaas Guddiga ka kooban Xubo ka tirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle iyo maamulka gobolka shabeellaha dhexe, iyaga oo ku sameeynaya baaris rasmi ah si loo helo xaqiiqada rasmiga ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com