Dhageyso :Siyaasi Cabdullaahi Dheere oo Weerar Afka ah ku Qaaday Xildhibaan Cabdilaahi Goodax Barre

 

Siyaasiga Cabdillaahi Xaaji Dheere ayaa  ayaa  oo warbahinta la hadlay ayaa si kulul uga warramay Warar maalmihii la soo dhaafay uu baraha Bulshada soo dhigayay Wasiirkii hore Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdilaahi Goodax Barre.

Siyaasi Cabdillaahi Dheere ayaa sheegay in  Xildhibaan Cabdilaahi Goodax Baree uu Joogto ka dhigtay Isku dirka Dadka ku nool degaanada Hir shabeelle iyo in uu Dacaayad ka Fidiyo Maamulka Cusub ee Hir shabeelle iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya

Cabdillaahi Dheere ayaa sheegay in Waqtiga uu Xilka haayay Cabdillaahi Goodax Barre  uu Muxaafid ahaa Dawladana uu difaaci jiray  Balse Markii Xilka uu waayay Mucaarad uu Noqday ,

Siyaasiga  ayaa Fariin uu diray Madaxweynaha Hirshabeele Cali Cabdilaahi Xuseen Guudlaawe.

Dhinaca Kale Siyaasi Cabdilaahi Dheere ayaa ka hadlay Arimaha Doorashooyinka Dalka Waxaana uu ugu baaqay Musharixiinta  u Tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya in  Dalka iyo shacabka Dagaal aysan u horseedin isaga oo ka dalbaday in xaalada ay dejiyaan.