Duulimaadyada Diyaaradaha gobolada Dalka Soomaaliya oo maanta bilowday

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib uga bilawday duullimaadyada gudaha oo muddo dhowr bilood u xirnaa Arimo la xiriira Cudurka Covid19 oo saameeyn ku yeeshay Isu socodka Dadka iyo Duulimaadyada Dalka

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka raacaya diyaaradaha laga doonayo dhaqangelinta sharuudo la doonaayo in lagu xakameynayo Cudurka covid19

Hase ahaatee, Talaabadan dib loogu furay Duulimaadyada dalka ayaa ku soo aadeysa Xili weli ay xiran yihiin Duulimaadyadii dibada uga imaanayay Soomaaliya