Dawlada Kenya oo ka jawaabtay go,aankii ay dawlada Soomaaliya xiriirka ugu jartay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sameyn doonto koox raadisa xal diblomaasiyadeed oo dhex mara Kenya iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka dowladda Cyrus Oguna.

Cyrus Ogona ayaa shaaciyay   aanay sameyn doonin wax aar-gudasho ah oo la mid ah tallaabadii ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay xiriirka ugu jartay Kenya.

“Waxaan nahay ummad sareysa, ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay, haddaan sidaa yeelno waxay u muuqaneysaa aar-gudasho, waxaan u ogolaan doonaan inay arrintan la wareegaan IGAD iyo Comesa”ayuu yiri Afhayeenka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in aanay weli wax xiriir rasmi ah ka helin Soomaaliya oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed oo ay u jartay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay Kenya qaadan karto go’aan marka si rasmi ah loo soo ogeysiiyo.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Safiirkii Kenya inuu dalkiisa ku laabto, halka Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi lagu amray inuu dalka ku soo laabto, tallaabadan ayaa aheyd mid Soomaaliya ay hoos ugu dhigeysay xiriirkii Kenya kala dhaxeeyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com