NORWEY: Daawada coronovirus oo la heli karo dhamaadka bishaan.

Oslo, Dowlada Norwey ayaa maanta shaacisay in daawada looga tagayo coronavirus la heli karo dhammaadka bishaan.

Warbixintaan ayaa sheegeysa in isticmaalka daawadaan la bilaabi doono 21-ka bishaan.

Dowladda Norwey ayaa hore ugu qorsheysay in daawada la siiyo ugu horeyn dadka u nugul cudurka gaar ahaan waayeelada iyo dadka ku jira meelaha lagu daryeelo dadka da,da ah.

Imaatinka daawadan ayaa ku soo beegantay waqti cudurka coronovirus aad ugu soo laabtay magaalooyin badan oo ku yaal dalka isla markaana saameeyay bulshada.

Daawada ayaa marki hore loo qorsheeyay in isticmaalkeeda bilaabato horaanta sanadka cusub balse waxaa ay isbuuc ka soo hormartay waqtigi loogu tala galay.

https://www.nrk.no/norge/de-forste-kan-bli-vaksinert-i-norge-i-julen-1.15289664

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com