Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay kulamadii uu la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyata

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah.

“Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay madaxtooyada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ujeedada kulanka ayuu ku sheegay arrimo la xiriira danaha “labada dalk”, waa siduu hadalka u dhigay

Uhuru waxaan ka wada hadalnay danaha labadayada dal. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba,” ayuu BBC Somali u sheegay Muusa Biixi.

Booqashada Madaxweyne Biixi ayaa ku soo aadeysa xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sababay in xiriirka diblumaasiyadeed uu kala go’o.

Xalay ayaa ugu dambeysay oo dowladda Soomaaliya ay amartay diblumaasiyiinta Kenya in ay Soomaaliya oga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah, waxayna ku eedeysay in Kenya “ay faragelineyso arrimaha madaxbannaanida dalka”, sida lagu xusay warsaxaafadeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com