24.6 C
Mogadishu
Saturday, July 27, 2024
Home Wararka Afrika Somaliya oo caawa xaqiijisay kiis cusub oo Coronavirus ah

Somaliya oo caawa xaqiijisay kiis cusub oo Coronavirus ah

Qofka xanuunka laga helay, oo ah nin degan Magaalada Muqdisho ayaa da’diisa lagu sheegay 58 jir.

Ninkan ayaa dadkii xanuunka horey looga helay waxa uu kaga duwan yahay inaanu safar ku imaan Magaalada Muqdisho, si lamid ah muwaadinkii ugu dambeeyay ee xanuunkaasi laga helay maalintii Jimcaha.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyay. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka.

Muwaadinka maalintii Jimcaha laga helay xanuunkaasi ayaan sidoo kale safar ku imaan Magaalada Muqdisho, isla-markaana aan wax xiriir ah la samayn dadkii horey looga helay xanuunka.

Maxamed Saciid Cabdullaahi, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa Isniintii walaac xoogan ka muujiyay wejiga cusub, ee lagu arkay xanuunkan dalka ku sii fidaya.

Isagoo faah faahinayay muwaadinka Jimcihii laga helay xanuunkaasi ayuu yiri “Bukaankii ugu dambeeyay ee laga helay cudurka waa Soomaali, wax xiriir ah lama lahayn qof qabay cudurka, sidoo kale kama imaan dalka dibaddiisa, bulshada ayuuna ku dhex noolaa. Tani waxay ka dhigan tahay inuu fayrisku haatan ku jiro bulshada dhexdeeda, runtiina walaac badan ayay arrintaas nagu abuurtay, maadaama dadkii isaga qaadsiiyay iyo kuwii uu la macaamilay ay weli bulshada ku dhex jiraan, siina qaad siin karaan dad kale oo fara badan.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in xanuunka uu u muuqdo mid bulshada ugu dhex faafaya qaab aan la garanayn, iyadoo bukaanku xiriir la samayn qof qaba cudurka amaba u safrin dibadda.

Kiiska caawa laga xaqiijiyay Magaalada Muqdisho ayaa tirada guud ee dalka laga helay ka dhigaya kiisii 8aad, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com