Ciidamo la kala dhex dhigay Beelo ku dagaalamay degmada Wanlaweyn

Ciidamadaas waxaa Hogaaminaaya Taliyaha Guutada 7aad Qaybta 60 -aad Ciidanka Dhulka G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar iyo Mas,uuliyiin ka Tirsan  maamulka gobolka shabeellada hoose kuwaas oo gaaray degmada  wanla-weyn ee gobolkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay xaalad dagaal ka jirtay.

Taliyaha waxaa ku weheliyay socdaalkiisa Wanla-weyn Taliye xigeenka Booliska Gobolka Sh/hoose G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo Guddoomiyaha arrimaha Bulshada & wacyigelinta Gobolka Shabeellaha hoose Maxamuud Mirre

Socdaalka taliyaha ayaa lagu sheegay  labo ujeedo oo kala ah howl gal lagu sugayo Amniga iyo in laga hortago Colaada ka jirta  Degmada Wanlaweyn

Xiisdaha Colaadeed ee ka Taagan Degmada wanalweyn ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sababay khasaare kala duwan iyadoo Dadkii deganaa Degmadasi ay isaga barakaceen balse xaalada ayaa haatan u muuqata mid degan

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com