puntland oo ciidamo u dirtay Gaalkacyo iyo Deni oo ku wahajan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay in uu amray in ciidamadaas la geeyo Gaalkacyo, si ay u xaqiijiyaan  Amniga magaalada oo maalmihii  u dambeeyay laga soo sheegayay dhacdooyin amni-darro ah

Ciidamadaas ayaa loo qorsheeyay, in ay hawlgal xasilin ah  ka bilaabaan xaafadaha Gaalkacyo, kaasi oo lagu beegsan doono kooxaha  xasilooni-darrada ka wada Gaalkacyo, si loo soo celiyo Amniga magaalada.

Gaalkacyo, waxaa haatan ku sugan wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo halkaasi kulamo kula leh Maamulka Gobolka Mudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada iyo ururada Bulshada, isagoo kala hadlaya Arrimaha Nabad-gelyada.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu dhawaan uu u socdaalo  magaalada Gaalkacyo, socdaalkaas  oo la xiriira hirgelinta Qorshaha Amniga iyo Hormarinta magaalada Gaalkacyo

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com