Xog ku saabsan gabadhi lagu dilay Qaraxi dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo xiriirka kiiska Ikraan Tahliil.

Muqdisho:-Warar isa soo taraya ayaa ka soo baxaya Qaraxii ka dhacay agagaarka Madaxtooyada oo ay ku dhimatay gabar ka shaqeyn jirtay xafiiska Ra,isul wasaaraha .

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta aragticusub ayay ku ogaatay in qaraxii ay ku dhimatay Hibaaq Abuukar Hassan uu ahaa mid ujeedo gaar ah laga lahaa.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Hibo oo aheyd la taliyaha arimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka Xafiiska Ra,isul wasaaraha oo dhawaan safar dibada ah ka soo laabatay ka mid aheyd dad fara ku tiris ah oo xog badan ka hayay kiiska allaha u naxariistee sarkaalad ikraan Tahliil.

Allaha u naxariistee Hibo ayaa imaatinkeeda la xiriirtay sidii Xukuumada Soomaaliya Marqaati ugu noqon laheyd waxyabaaha ay ka ogtahaya kiiska Ikraan taasi oo loo fasiran karo in dilkeeda uu ahaa mid la soo abaabulay.

Xiriiro aanu la yeelanay iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlada gaar ahaan xafiiska Ra,isul wasaaraha ayaa ka gaabsaday arintaan balse waxaa ay sheegeen in baaritaano socdaan isla markaana dhankooda tuhun jiro.

Arintaan ayaa sii adkeyn karta in dilka Ikraan tahliil ku lug leeyihiin rag sar sare oo ka tirsan Hay,adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com