Madaxweyne Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho:-Madaxweyne Qoor qoor ayaa lagu tiriyaa in uu yahay saaxiibka kaliya ee haatan haystaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliye Fahad yaasiin waxaana sidoo kale uu yahay shaqsiga ka dhex muuqda xalinta khilaafka madaxweynaha iyo Ra,isul wasaaraha.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa mid uu dalbaday Taliye fahad yaasiin walina xog rasmi ah lagama hayo waxyaabaha dhab ahaan kulankaas labada mas,uul isku afgarteen.

Kulankaan ayaa imaanaya xili dhawaan Muqdisho kulan gaar ah ku qaateen Madaxweyne qoor qoor iyo Ra,isul wasaare Rooble kasi oo lagu cadeeyay in lagu xaliyay khilaaf ka dhex jiray labada mas,uul waxaana taasi keentay baa la leeyahay in shaki weyn ka qaado Taliye fahad yaasiin.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com