Wiil uu dhalay Madsxweynaha Ugandha oo fariin hanjabaad ah gaarsiiyay Farmaajo iyo Rooble.

Muqdisho:- Taiyaha Ciidamada lugta dalka Ugandha ahna wiil uu dhalay Madaxweynaha wadankaas ayaa soo gaaray Muqdisho.

Ujeedada imaatinkiisa ayaa Warar soo baxaya sheegayaan in ay la xiriirto fariin hanjabaad ah ee uu ka sido aabihiis isla markaana ku wajahan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra.isul wasaare Rooble.

Taliyaha lugta ahne wiil uu dhalay Madaxweynaha Ugandha ayaa lagu soo waramayaa in si cad ugu sheegay Madaxweyne Farmaajo in aan waqtigaan loo baahneen khilaaf isla markaana loo baahan yahay in la dar dar galiyo howlaha doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliyaha u gudbiyaya madaxweynaha iyo Ra,isul wasaaraha hanjabaada Madaxweyne Musavani ee ah in Ciidamadiisa kala bixi doono wadanka Soomaaliya hadii khilaafaadka madaxda Soomaalida sii socdaan.

Wada hadaladan uu taliyaha la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra,isul wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan wax badan iska badalaan kala fikir duwanaanshaha labada mas,uul isla markaana muuqan donto isu soo dhawaanshiyo aan ku dhisneen rabitaankooda balse cadaadisku keenay.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ayaa si u dhaliilay imaatinka Maanta muqdisho ku tagay taliyaha Ciidamada lugta Ugandha.

Hassan Samatar oo fariin ku soo qoray bartiisa Facbook ayuu ku sheegay in aysan jirin ka warqab wasaaradiisa ah ee la xiriirta imaatinka taliyaha.

Hadana Janan shisheeye kale ayaa si qarsoodi ah ku yimid Muqdisho Wasarada gaadhaandhiga iyo saraakiisha ciidamada wax ka ogeyn markaad is ixtiraamto uun ayaa dadka kale ku ixtiraamayaan,kibir ma aha isqadarintu waa sidee xaalka Soomaaliya xagee baa loo socdaa ayuu ku yiri warbixinta uu soo dhigay bartiisa facbook taasi oo laga dheehan karo ka warqab la,aanta wasaarada gaashaandhiga imaatinka taliyahaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com