Puntland oo sheegtay in uusan Dhaqan gelin ay Amar ay soo rogtay

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey,  oo Saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii Puntland ku xirtay xuduudka Somaliland iyo Ethiopia ay la wadaagto

Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya, in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay  oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii  Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.

Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ka yimaada degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Somaalida DDS, ayaa sida la sheegayo maalmihii u dambeeyay ka soo gudbayay xuduudka dhanka degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com