Dhageyso :Odayaal iyo Culumaa.udiin xal ka gaaray Colaad Galbeedka Kismaayo ka Taagneyd

Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Galbeedka Magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay xalinta colaad u dhexeysay laba Beelood ee wada dega Galbeedka Magaalada Kismaayo

Suldaan Maxamed Axmed Warsame Gardheere oo ka mid ah Wax garadka gacan ka geystay daminta Colaada ka Taagan Galbeed Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xaalada haatan ay wanaaagsan tahay islamarkaana aysan jirin wax colaad ah oo xilligaan ka Taagan Halkaasi

Suldaan Maxamed Axmed warsame Gardheere ayaa u Mahad Celiyay Culumaa,udiin door wanaagsan kaqaatay Daminta Colaadaasi isaga oo sheegay in dhawaan la soo saari doono baaq ku saabsan waxa ay ku heeshiyeen labada Beelood