Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo dib loo dhigey

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay goordhow  ku dhawaaqeen in Muddo Saddex Cisho ah dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga oo Warbaahinta kula hadlay dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay  in maalinta Axadda ah ee Todobaadka soo socda ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Galmudug ayaa xiligaan u muuqato mid ay hareeyeen mawjado siyaasaded oo is diidan .

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com