Xildhibaanada Ahlu Sunna oo Sheekh Shaakir Madaxweyne u doortay.

Iyadoo shalay Ahlu Sunna ay soo bandhigeen liiska Xildhibaano ka yimid Ahlu Sunna, islamarkaana ay yihiin Xildhibaanadaasi kuwa sharci ah, ayaa maanta Xildhibaanadii waxa ay doorteen Madaxweyne.

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa Xildhibaanada Ahlu Sunna, waxa ay ku doorteen Madaxweyne inuu noqdo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa Xildhibaanada Garabka Ahlu Sunna, waxa ay ugu codeeyeen in Sheekh Maxamed Shaakir Cali uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Laba Musharax oo la tartameysay Sheekha ayaa tanaasulay, sidaasi ayaana lagu doortay.

Dadka siyaasada u dhuun duleelo ayaa ka deyrinayo xaalad siyaasaded ee galmudug xiligaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com