Mid ka mid ah Gacan yarayaasha Ahmed Qoor qoor oo isku sharaxay M/weynaha Galmudug.

Muqdisho, Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in mid ka mid ah Gacan yarayaashii Ahmed Qoor Qoor isku sharaxay xilka Madaxweynaha Galmudug.

Ahmed Shire Mohamed Falagle ayaa galabta lagu arkay sawiradiisa qeybo ka mid ah Magaalada.

Falagle ayaa la filayaa in maalinta bari isku diiwaangaliyo Musharaxnimadiisa.

Arintaan ayaa imaaneysa xili afar musharax madaxweyne ka hor yimaadeen in ay is diiwaan galiyaan iyaga oo taas cabasho uga dhigay in aysan ku qanacsaneen hanaanka doorashada u socoto iyo dhex dhexaadnimada Gudiga.

Falagle ayaa u muuqanaya shaqsi aan han badan ka laheyn xilka madaxweynaha Galmudug balse taasi tahay siyaasad la doonayo in lagu soo saaro Ahmed Qoor Qoor oo lagu tuhmayo in madaxda dowladu wataan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com