Ciidamo ka tirsan dowlada oo askari NISA ku toogtay Muqdisho.

Muqdisho, Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa lagu soo waramayaa in caawa toogasho ku dileen Askari dhar cad ahaa oo ka tirsanaa Nabad sugida NISA.

Ciidamada oo ku sugnaa agagaarka waddada VIA ROMA ayaa ka shakiyay askarigaan isla markaana ku amray in uu joogsado.

Balse askariga ayaa amarkaas ka ka horyimid lana soo baxay bastoolad uu watay.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in markaa kadib ciidamada rasaas xoogan ku fuleen askariga halkaana ku geeriyooday.

Falka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo Nabad sugid ah oo gaadiidka dagaalka ku hubeysan iyagoo goobta ka qaaday meydka askarigi.

Xaalada ayaa iminka dagan balse Ciidamada ayaa xirtay waddada VIA ROMA mana jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo halkaasi ka jira.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com