Madaxweyne Xaaf oo magacaabay Taliye-yaal cusub.

Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxaa uu magacaabay Taliyaha Amniga ee Gobolka Mudug iyo Kuxigeenkiisa.

Madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu Gaashaanle Duraan Abshir Xaashi ugu magacaabay Taliyaha Amniga ee Gobolka Mudug, halka Dhamme Mahad Axmed Warsame uu ugu magacaabay inuu noqdo Taliye Kuxigeenka Amniga ee Gobolka Mudug.

Magacaabistan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Madaxweyne Xaaf uu Magaalada Gaalkacyo ka wado abaabul uu u diyaargaroobayo qaban-qaabada Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com