Dowlada Federaalka oo Ciidamo fara badan geysay Gobolka Gedo.

Gedo, Ciidamo fara badan oo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Gobolka Gedo.

Ciidamadaan oo laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa xarun looga dhigay Degmada Luuq.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi Oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxda sare ee dalka in dagaalo ka hurinayaan Gobolka.

Waxaa uu sheegay in dowlada dhexe xaq u laheyn in ciidamo imaatinkooda shaki ku jiro in Gobolka keento.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal xoogan ugu jirtay mudooyinkii ugu dambeeyay in Gobolka Gedo noqoto mid ay maamulkeeda gacanta ku hayaan lamana oga sida suurta gal ugu noqon doonto.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com