Hay,adda Socdaalka oo hakisay Codsiyada Baasaboorka.

Muqdisho, Hay,adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowlada Federaalka ayaa joojisay qabashada dadka soo dalbanaya Baasaboorada.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay,adda ayaa lagu xusay in aysan qaban doonin codsiyada cudub ee baasaboorka.

Hay,adda ayaa xustay in laga bilaabo 27- ka bishaan ilaa 2-sa febaraayo hakiyeen dalbashada baasaboorka kadib war kooban ay soo dhigeen Facbook-ga.

Arintaas ayay hay,adda ku macneysay in ay wadaan howlo hurumarin dhanka baasaboorka ah.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com